SHIRKA WADA-TASHIGA WASAARADAHA BOOSTADA, ISGAARSIINTA & TIKNOLOJIYADDA EE FEDERAALKA & DOWLAD-GOBOLEEDYADA

16-17 APRIL 2019
MUQDISHO – SOMALIA

WAR-MURTIYEED

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federal iyo Wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowlad-goboleedyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 16ka illaa 18ka Abriil 2019ka.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federaal ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Casriga ah ee HirShabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta ee Galmudug, Mudane Xildh. Aadan Xaaji Xasan; Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koofur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Boostada,Tiknoolijiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jubbaland, Mudane Cabdi Xuseen Maxamed; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed ayaa waxaa looga hadlay wada-shaqeynta wasaaradda iyo Wasaaraddaha ku beegan ee dowlad-goboleedyada.

Shirkan oo muddo seddex maalmood ah ka socday Magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Boostada, Isgaarsiinta ee heer federaal iyo heer Dowlad gobleed iyo Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta.

Waxa ay Masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga ah waxa ayaa isla meel-dhigay talaabooyinka hoos ku xusan:

1. Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) kulankan wadatashiga ah waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.
2. Waxa ay bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ku sameysay muddadan kooban iyo howlaha qabsoomey.
3. Waxa ay isla garteen in dib loo soo celiyo dhulalkii iyo xarumahii hore ee Boostada Qaranka ay ku lahayd caasimadda iyo dowlad-goboleedyada dalka.
4. Waxa ay isla qaateen in la hirgeliyo isticmaalka Astaamaha Internetka ee heerka labaad ee u gaarka ah Hay’adaha dowladeed ee Dowlad-goboleedyada ee lagu soo bandhigey shirka, laga sii shaqeeyo qaabkii loo wadaagi lahaa iyo howlaha ku xeeran.
5. In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo furitaanka xafiis u gaar ah howlgelinta astaanta heerka labaad ee internetka, gaar ahaan dhinaca tababarka iyo qalabeynta.
6. Wasaaradaha heer dawlad-goboleed waxaa awood loo siin doonaa inay baro internet uga sameeyaan astaanta heerka labaad ee u gaarka ah dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha heer dawlad-goboleed.
7. In tabashada Maamul Goboleedyada Qod. 10-aad ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka ee khuseysa xubnaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka wax ka beddelkiisa loo maro si waafaqsan shuruucda dalka.
8. In wasaaradaha Dowlad-goboleedyada ay soo gudbiyaan talooyinkooda ku aaddan Siyaasada Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada (National ICT Policy and Strategy) si ay u noqoto siyaasad ka tarjunta baahida dalka oo dhan, talooyinkooda oo qorana ay soo diraan muddo 45 cisho ah gudahood oo ku eg 31ka Maajo 2019.
9. In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada laga caawiyo kordhinta awoodda internetka si ugu sahlanaato gudashada waajibaadkooda.
10. In Bankiga Adduunka laga codsado in muddo kordhin loo sameeyo waqtiga Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Qaranka oo kaalmo siiya wasaaradda federaalka iyo dawlad-goboleedyada haddii ay suurtogal tahay; haddii kalena la codsado soo dadajinta hirgelinta wajiga 3-aad ee Mashruuca.
11. In laga wada shaqeeyo qorshaha dib-u-soo nooleynta iyo baahinta Boostada Qaranka.
12. In dawlad-goboleed kasta ay bixiso illaa 100 sanduuq boosto oo la siinayo wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee heer dawlad-goboleed si baahinta adeegga boostada looga hirgeliyo dawlad-goboleedyada.
13. In Wasaaradaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyadu ka qeyb qaataan diyaarinta astaamaha boostada ee degmooyinka (post codes) si magaalooyinka dalka oo dhan loogu sameeyo astaan boosto.
14. Waxaa la isku raacay in laga wada-qeyb qaato howlaha tirkoobyada iyo cilmibaarista la xiriira arrimaha Isgaarsiinta iyo tiknolojiyada ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ay ka hirgelinayso dalka.
15. In Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee dawlad-goboleedyada ay la wadaagaan warbixino ku saabsan howlaha iyo baahiyaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee dowlad goboleedyada si loo diyaarin karo warbixin heer qaran ah.
16. in la daraaseeyo baahiyaha tababar ee dhinaca tiknolojiyadda ee shaqaalaha wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee heer dowlad-goboleed.
17. Shirka kan xigaa waxaa lagu qaban doonaa Magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
18. Ugu dambeyntii waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah
19. In la sameeyo xarun lagu soo arruuriyo waxqabadka wasaaraddaha Dowlad goboleedyada laguna soo daabaco Wargeyska Casri ee Wasaaradda.

Allaa Mahad leh

Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta federaalka iyo dawlad-goboleedyada oo furmay

(Muqdisho, Abriil 16, 2019) Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee federaalka iyo dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Md. C/casiis Duwane Isaaq, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in shirkan oo ah kii 3aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan looga hadli doono ajandayaal ay ka mid yihiin waxqabadkii wasaaradaha ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed, in laga tashado waxyaabaha ay ka wada shaqeyn karaan wasaaradaha, sidoo kalena in la soo bandhigo waxqabadka Mashruucii Taakuleynta ICT iyo sida loogu diyaar garoobi karo wajiyada kale ee soo socda mustaqbalka.

Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, GalMudug, iyo HirShabeelle oo hadallo kooban jeediyay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka soo qeyb galaan kulankan, iyagoo ballanqaaday inay diyaar u yihiin wada-shaqeyn ballaaran dhex marta wasaaradaha heer dawlad-goboleed iyo heer federaalba.

Senator Deeqa Xasan Xuseen oo mataleysay Guddiga qaabilsan isgaarsiinta ee Golaha Aqalka Sare ayaa sheegtay inay aad u soo dhoweynayso ka-qeybgalka kulamada noocan oo kale ah maadaama ay yihiin aqalkii wakiilka ka ahaa dawlad-goboleedyada.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md. C/laahi Bile Nuur, ayaa sheegay in Wasaaraddu ku xisaabtameyso talada iyo taageerada wasaaradaha dawlad-goboleedyada si horumarka la gaaray loo sii kordhiyo, isagoo ka rajeeyay in 5ta wasiir ee ka socota dawlad-goboleedyada oo dhammaantood cusub ay dardar cusub ku soo kordhin doonaan hawlaha horyaalla wasaaradaha.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda labadii sano ee la soo dhaafay oo ay ugu waaweynaayeen ansixinta Sharciga Isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, soo-celinta Astaantii dotSO, soo-celinta xubinnimadii ITU iyo UPU, iyadoo hawlaha socda ay ugu waaweyn yihiin soo-nooleynta boostada, dib-u-dhiska machadka, isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, dajinta siyaasadda qaran ee isgaarsiinta qaranka iyo soo-celinta hantidii ma-guurtada ee Wasaaradda, iyo hawlo kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu soo bandhigi doonto qorshayaal wasaaraddu ku baahineyso hawlaheeda, lalana kaashanayo wasaaradaha heer dawlad-goboleed si adeegyada ay wasaaraddu bixiso ay u gaaraan dalka oo dhan.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan ka-soo-qeybgalayaasha shirka oo ay ugu horreeyaan wasiirrada dawlad-goboleedyada iyo wafdigooda oo shaqooyinkooda muhiimka ah ka soo tagay; mas’uuliyiinta Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo fududeeyay shirkan iyo hawlo badan oo ay wasaaraddu qabatay sanadihii la soo dhaafay iyo Ururka Jaamacadaha ee Somali REN,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiirku.

Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano ka dib

(Bern, Switzerland – Abriil 11, 2019) Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyada oo la inaga qaaday xannibaad inaga saarneyd dhinaca boostada.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Dhexe ee UPU ee dalka Switzerland, ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur iyo Masuuliyiinta UPU ayaa wasiirka Boostada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen waxa ay ku saxiixeen heshiis u oggolaanaya dalkeena in uu soo ceshto xubinnimo buuxda lagana qaado xayiraadda isla markaana ka faa’ideysan karo adeegyada UPU.

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya Boostada dalkeena inay dalka dibeddiisa wax u diri karto, isticmaali karto dhammaan barnaamijyada UPU sidoo kalena heli karto taageerada farsamo ee ay xaqa u leeyihiin dalalka soo koraya.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo dhan lacag ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar kaliya iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii iyada oo nasiib darro dalkeenu uusan ka faa’iideysan maadaama aysan jirin boosto si buuxda u shaqeyneysay tan iyo 1991-kii.

Inkasta oo wada-xaajoodka arrintan ku saabsan uu soo jiimamayey muddo ku dhow hal sano, haddana khudbaddii uu wasiirku ka jeediyay kulanka Golaha Maamulka UPU iyo kulamo gooni gooni ah oo isaga iyo wafdigiisu ay la yeesheen madax kala duwan waxa ay soo dadajiyeen in lagu guuleysto soo-celinta xubinnimada, Golaha loo dhan yahay ee midawga UPU ayaa tixgelin doono mid ka mid ah labada qorshe ee ay Soomaaliya la soo shir-tagtay oo kala ah in laga wada cafiyo deynta oo dhamaystiran ama in dulsaarka laga jaro, inta soo hartana lagu bixiyo muddo 10 sano ah oo ka billaabaneysa 2019.

Agaasimaha Guud ee UPU, Bishaar Xuseen oo si gaar ah arrintan uga soo shaqeeyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo ah xubin buuxda “Maanta laga billaabo waxa aad ku soo noqoteen Bahda UPU, waxaadna heli doontaan dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah. Waxaan alle ka baryayaa in Soomaaliya ay soo ceshato cisigii iyo sharaftii ay ku lahayd Afrika iyo adduunkaba” ayuu yiri Danjire Bishaar oo faray dhammaan qeybaha kala duwan ee UPU inay cid walbaba kaalinta kaga aaddan ay gacan ka geysato sidii Boostada Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee UPU oo uu ugu horreeyo Agaasimaha guud oo fududeeyay wax badan oo la xiriira deynta iyo habka loo bixin doono.

Wasaaradda ayaa dhamaadkii 2017 ku guuleysatay dib u soo celinta xubinnimada Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) taas oo loo xayiray deymihii qaaraanka ee soo ururayay tan iyo 1983-kii.

Soomaaliya oo weydiisatay UPU in laga qaado xayiraadda

(Bern, Switzerland – Abriil 10, 2019) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka codsaday Midowga Boostada Adduunka (UPU) in ay Soomaaliya ka qaadaan xayiraadda saaran sanadaha badan si dalkeenu uga faa’iideysto horumarka adduunku ka gaaray isgaarsiinta boostada.

Wasiirka oo ka hadlayay shirka Guddiga Maamulka ee UPU ayaa sheegay in adeegyada boostadu ay horumariyaan dhaqaalaha dal kasta maadaama ay yihiin kaabayaashii adeegyada ganacsiga kala gudbin lahaa, isla markaana lagu abuuri karo shaqooyin badan oo ay dhallinyaradu ka faa’iideysan karaan.

Wasiirka oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Wasiir Cashuur ayaa uga mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno “Waxa aan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan u mahadceliyo Danjire Bishaar Xuseen oo si gaar ah noola duubtay oo la’aantiis aysan waxyaabo badan noo suurtogaleen.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka codsaday dalalka xubnaha ka ah UPU in Soomaaliya laga taageero sidii dib loogu dhisi lahaa boostada dalka oo aasaas u ah horumarka dhaqaalaha iyo gacansiga caasriga ah.

Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen, ayaa sheegay in UPU ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo oo Soomaaliya u fududeyn kara in ay dib ugu soo noqoto inay xubin buuxda ka noqoto UPU, isaga oo xusay in uu soo dhoweynayo tallaabooyinka ay qaadday Wasaaradda sanadihii ugu dambeeyay iyo sida ay hoggaanka sare ee Wasaarrada uga go’an tahay in ay soo nooleeyaan adeegyadii boosto oo casri ah.

Wasiirka oo uu safarkiisa ku wehliyo Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur ayaa inta ay joogaan dalka Switzerland la kulmi doonaan dalal kala duwan oo gacan ka geysan kara qorshaha Wasaaradda ee arrimaha boostada.